Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu si caadi ah u shaqeynayo, duulimaadyaduna ay ku socdaan jadwalkooda. Hay’addu waxay beenisay wararka sheegaya in garoonka la xiri doono maalmaha soo socda, iyadoo shacabka ugu baaqday in ay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah.




