Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in dhismaha ugu dheer magaalada Riyadh, oo ku yaalla xarunta ganacsiga ee caasimadda, uu waxyeello ka soo gaartay weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen.
Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dhowr dabaq oo ka mid ah dhismaha, oo xarun u ah Sanduuqa Maalgashiga Qaranka Sacuudiga, ay waxyeello soo gaartay.
Saacado ka hor, afhayeen u hadlay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in burburka gantaal la qabtay uu waxyeello ka geystay magaalada Riyadh.
Dhanka kale, dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen waxyeellada gaartay dhismaha.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan magaalooyinka Sacuudiga.
Daqiiqado ka dib markii warkan la shaaciyay, wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay si xooggan ugu cambaareysay weerarrada joogtada ah ee ka dhanka ah Sacuudiga, kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay aagga ganacsiga ee Boqor Cabdalla ee magaalada Riyadh.
Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa sheegtay in weerarku yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga.
Jaasim Al-Budeywi, xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, ayaa isaguna cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay qaataan mowqif caalami ah oo degdeg ah oo go’aan adag leh, si Xuutiyiinta loola xisaabtamo.




