Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, iyadoo sidoo kale dalka ka saartay safiirkii Imaaraadka Carabta u joogay Muqdisho, Axmed Juma Al Rumaithi,
Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.
Soomaaliya ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta in ay faragelisey arrimaha gudaha dalka, islamarkaana kala qaybisay dalka, iyadoo ku xadgudubtay madax banaanida dalka




