Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka dibolomaasi ee 2-da dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Cabdisalaan Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Oslo kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway, Mudane Espen Barth Eide.

Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday shirka Wasiirrada Nordic iyo Afrika,iyadoo labada wasiir ayaa ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya mudnaanta qaranka, danaha wadajirka ah, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo horumarka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles