Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cilmi Waasuge Colow ayaa Maanta tababar u furey Gabdha Ka mid noqon doona Ciidanka Asluubta soomaaliyeed Gaar ahaan Banda muusikada ee Ciidanka.
Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa wada Qorshayaal lagu Tayeynaayo qaybaha Kala Duwan ee Ciidanka Asluubta Furitaanka Tabbarkaan gabdhaha gaarka u ah ayaa noqonaayaa sare usoo qaadidda Kaalinta haweenka ay ku leeyihiin Ciidanka Asluubta
Waxaa sidoo kale Gabdhahaan loo diyaariyey qalabkii ay ku tababaran lahaayeen oo uu Taliyaha Ciidanka Asluubta soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xaamud uu ka dalbay Dalka Dibaddisa
Xafladda Furitaanka tababarkaan oo ay ka soo qeyb Galeen Saraakiisha Ciidanka Asluubta oo uu hoggaaminaayey Taliye Xigeenka ayaa kula dardaarmay gabdhaha Tababrka loo furey inay ka faa’ideystaan fursaddaan uu siiyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed




