Ra`isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hada ka dagay Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor, Taliyaha Hey’ada Nabad Sugida Mahad Salaad, Musharax Hogaamiye Maamulka Galmudug Liibaan Axmed Xasan iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan.
Waxaa lagu wadaa in Ra`isul Wasaare Xamse uu ka qeyb galo Gogol Nabadeed oo lagu Heshiisiinayo Beelo Walaalo ah oo Deegaanka Wada daga.




