Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kula muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Baarlamaannada Carabta ,Mudane Mohamed Ahmed Al-Yamahi.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Carabta, joogtaynta wada-tashiga, isku-duwidda mowqifyada ku aaddan arrimaha danaha wadajirka ah, iyo sare u qaadidda doorka Soomaaliya ee iskaashiga baarlamaaniga ah ee dunida Carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Madaxweynaha Baarlamaannada Carabta ,Mudane Mohamed Ahmed Al-Yamahi ayaa intii uu kulankoodu socday adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya, dalalka carabta iyo guud ahaan shucuubta Carabta, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, dana-wadaag iyo iskaashi dhow oo walaaltinimo.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in Soomaalya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee ay la leedahay dalalka Carabta, wuxuuna dowladaha Carabta uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin midnimada, madax-bannaanida, qarannimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.




