๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฒ๐š๐œ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ-๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐’๐š๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ง.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta deegaanka Saabuun ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun, oo door muhiim ah ka qaadan doona maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, waraabka beeraha iyo yareynta khatarta fatahaadaha.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun uu yahay maalgashi toos ah oo lagu sameynayo dadka Soomaaliyeed, wax-soo-saarka dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo xusay in mashruucani uu muhiimad gaar ah u leeyahay beeraleyda iyo bulshada ku nool dooxada Shabeelle.

โ€œMaanta Saabuun uma aynaan iman inaan dhagax keliya dhigno. Balse waxaan u nimid in aan dib u soo nooleyno halbowlihii biyaha iyo beeraha ee deegaankanโ€. Ayuu yiri Mudane Jibriil.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Biyo-xireenka Saabuun, oo la dhisay sanadkii 1925-kii, uu muddo dheer ahaa mid ka mid ah kaabayaasha muhiimka ah ee lagu maareeyo biyaha Webiga Shabeelle, laguna taageero wax-soo-saarka beeraha.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta kaabayaasha biyaha iyo waraabka, maadaama ay laf-dhabar u yihiin kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada.

Mudane Jibriil ayaa carrabka ku adkeeyay in mashruucan uusan ku koobnayn dib-u-dayactirka biyo-xireenka, balse uu qayb ka yahay Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP) iyo dadaallada Dowladda ee lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee maaraynta khayraadka biyaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles