Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay Ku-simaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Mudane Justin Davis, iyo soo dhaweyn loo sameeyay ku-xigeenkiisa, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.

Wasiir Cabdisalaan wuxuu uga mahadceliyay Mudane Davis shaqooyinkii iyo dadaalladii uu ka gaystay xoojinta xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, isaga oo u rajeeyay guul xilka cusub ee loo magacaabay, sidoo kale wasiirka waxa uu soo dhaweynaya Marwo Stevens-Klitz.

Wasiirku wuxuu mar kale sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga dhaqaale.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles