Ciidanka Ilaalada Badda ee Dowladda Puntland ayaa war rasmi ah ka soo saaray hawlgal lagu soo badbaadiyay markabka MT Honer 25, kaas oo ay koox burcad-badeed ah muddo gacanta ku haysay, iyagoo sheegay in markabku hadda bed qabo, isla markaana uu ku jiro gacanta ciidamada, iyadoo hawlgalka lagu qabtay xubno ka tirsan kooxdii markabka qabsatay.
Sida ay dowladdu sheegtay, burcaddu waxay dishay shan ka mid ah shaqaalaha markabka ka hor inta uusan bilaaban hawlgalka ciidamada, waxaana dadka la dilay waxaa ka mid ahaa saddex u dhashay Pakistan, hal u dhashay Myanmar iyo hal u dhashay Hindiya.
Markabka ayaa sidoo kale loogu tegey dhaawaca 4 shaqaale ah, oo saddex ka mid ahi yihiin Pakistani halka midka kalena uu yahay Hindi, iyadoo intii uu socday hawlgalka, ciidamada Puntland waxay gacanta ku dhigeen 16 ka mid ah burcadda, halka xubno kale ay baxsadeen.
Dhanka kalena, ciidamada badda dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay inay hayaan xog ku saabsan goobaha ay ku sugan yihiin dadka baxsadka ah, iyadoo ciidamada ay wadaan hawlgallo lagu baadi-goobayo laguna soo qabanayo, ayna sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeednimada iyo sugidda amniga xeebaha, iyadoo ciidamada lagu amray inay heegan u ahaadaan qabashada cid kasta oo lagu tuhmo inay ku lug leedahay falalka burcad-badeednimada




