Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka Wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Gobal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Booqashadan ayaa qayb ka ah safarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalkeenna iyo xasilloonida gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles