Kenya oo laga helay cudurka Ebola iyo dowladda oo xaqiijisay

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola kaas oo ku dhacay Muwaadin u dhashay Kenya oo Muddo Toddobo sano ah ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Wasiirka Caafimaadka Aaden Ducaale ayaa sheegay in bukaanka, oo xanuunsaday bil ka hor isla markaana lagu daweeyay isbitaallo dhowr ah oo ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, uu geeriyooday maalmo kadib markii uu soo gaaray magaalada Nairobi.
Adan Ducaale ayaa sheegay in bukaanku uu diyaarad soo raacay maalintii Sabtidii, uuna maray baaritaankii caadiga ahaa ee dadweynaha ee garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Nairobi, ka hor inta aanu qaraabo la socday u qaadin isbitaal ku yaalla magaalada.
In ka badan 4,000 oo qof ayaa cudurka Ebola ugu dhintay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo sanadkan, taas oo ka dhigaysa dillaaca labaad ee ugu dhimashada badan ee cudurkan la ogaado.
Muddo yar kadib markii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay ku dhawaaqday dillaaca Ebola bishii Maajo, waxaa sidoo kale laga soo sheegay dalka Uganda, halkaas oo laba qof ay ugu dhinteen. Si kastaba ha ahaatee, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa bishii Agoosto ku dhawaaqay in dalkaas laga ciribtiray cudurka.
Tan iyo markaas, dhammaan kiisaska cudurka waxaa laga diiwaangeliyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Dillaaca hadda jira waxaa sababay nooca `Bundibugyo` ee fayraska Ebola, kaas oo ah mid naadir ah, isla markaana aan lahayn tallaal la yaqaan.
Wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa xaqiijiyay in muwaadinka u dhashay Kenya laga helay nooca `Bundibugyo`.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles