Guddoomiyaha BFS oo ka qayb galay shirweynaha midowga Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo si rasmi ah uga furmay Magaaladda Arusha ee Dalka Tanzania, waxaana shirka furay Ra’isulwasaaraha wadanka Tanzania Hon. Dr. Mwigulu Lameck Nchemba.

Shirweynaha Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo socon doona mudo shan maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa hal-ku-dhigga guud ee shirka sanadkan oo ah Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles