Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga warfaafinta iyo dhaqanka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Wakiilka Sare ee Hindiya u fadhiya dalka Kenya ahna Safiirka Hindiya ee Soomaaliya Mudane Adarsh Swaika.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha, u guurista nidaamyada dhijitaalka ah iyo xoojinta iskaashiga kooxaha fanka iyo dhaqanka.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa uga mahadceliyey Dowladda Hindiya taageerada iyo iskaashiga ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo warbaahinta qaranka, kooxda dhaqanka iyo kobcinta awoodda shaqaalaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles