Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliyaha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya Ali Abdollahi, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu ka bilaabmo Iran, “dabkiisu uu baabi’in doono dhammaan waddamada gobolka ee ciidamada Mareykanka ay ku sugan yihiin.”
Mr. Abdollahi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in, si ka duwan hadallada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, aysan Jamhuuriyadda Islaamiga ah sugayn natiijooyinka doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, isla markaana ay Iran si “adag” uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo ka dhan ah.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) inay “u dhaqmayso sida yeey xiran maqaar ido,” wuxuuna sheegay in hadallada hay’addu ay ka bixisay xarumaha nukliyeerka ee Iran ay yihiin kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn.”
Mr. Abdollahi ayaa mar kale ku celiyay in Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay wajahdo “halis kasta.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles