Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo la filayo inuu kulan fool-ka-fool ah kula yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Somaliatravel guide
Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo aadaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan dhacdadii dhowaan ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo dhaawac kasoo gaaray Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan Taliye Shub.
Dhacdada Doolow waxaa weli ka taagan warar iyo eedeymo kala duwan oo ku saabsan nooca weerarka iyo cidda ka dambeysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay, halka dhinaca Jubaland iyo Janaraal Shub ay sheegeen in guriga lagu weeraray gantaallo.
Warar kale ayaa sheegay in saraakiil dhinaca sirdoonka ah oo ka kala socday Itoobiya iyo Kenya ay tageen goobta uu ku yaallay guriga Janaraal Shub, halkaas oo ay baaritaan ku sameeyeen burburka iyo haraaga la sheegay in uu ka dhashay weerarka.
Sidaas darteed, arrinta Doolow ayaa la filayaa inay kamid noqoto qodobada xasaasiga ah ee laga wada hadli karo, maadaama degmada Doolow ay ku taallo xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo dhacdadu ay yeelan karto saameyn dhinaca amniga iyo xiriirka labada dal ah. Somaliatravel guide
Dhanka kale, ajendayaasha kulanka Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa la filayaa inay ku saabsan yihiin xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, xaaladda amniga, iskaashiga dhaqaalaha, la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo arrimaha guud ee Geeska Afrika.
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa horey u yeeshay kulamo heer sare ah oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.




