Ciidamada Badda Puntland oo weeraray markabka Honour 25.

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday markabka HONOUR 25, oo kooxo burcad-badeed Soomaali ah ay ku haysteen deegaanada Puntland tan iyo 21-kii April 2026, taas oo ka dhigan in markabku gacanta burcad-badeedda ku jiray muddo ku dhow shan bilood.

Sida xogaha la helayo sheegayaan, weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Dharinbaar, oo ka tirsan degmada Bandar-beyla ee gobolka Karkaar, halkaas oo la sheegay in markabka lagu hayay.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay howlgalka iyo xaaladda dhabta ah ee shaqaalihii saarnaa markabka iyo kooxdii burcad-badeedda ahayd ee gacanta ku haysay.

Markabka HONOUR 25, oo ku gooshayay calanka dalka Palau, ayaa markii la qabsaday ku sii jeeday dekedda caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana lagu qabsaday meel ka baxsan xeebaha Puntland isagoo sida ilaa 18,000 oo foosto oo shidaal ah.

Markabka waxaa saarnaa 17 badmaax, kuwaas oo 10 kamid ah ay ahaayeen muwaadiniin Pakistani ah, halka shaqaalaha kale ay kasoo kala jeedeen Indonesia, India iyo Sri Lanka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Puntland ay maalmo ka hor soo afjareen howlgal ay ku soo furteen markabka MT SIBU 1, kaas oo sidoo kale muddo ay haysteen kooxo burcad-badeed Soomaali ah.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka HONOUR 25, xaaladda shaqaalaha iyo natiijada iska horimaadka ayaa la filayaa inay kasoo baxdo Puntland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles