Booliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in howlgal ay gudaha magaalada ka sameeyeen ay ku qabteen saddex qof oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Qoraal lagu baahiyay bogga Booliiska ayaa lagu sheegay in saddexda eedeysane saacadaha soo socda loo gudbin doono hay’adaha garsoorka, si loo marsiiyo habraaca sharciga.
Howlgalkan ayaa yimid kadib dagaal saacado qaatay oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo sababay khasaare kala duwan.
Si kastaba, xaaladda Baydhabo ayaa caawa ah mid degan, iyadoo ciidamadu ay weli wadaan howlaha amniga iyo xaqiijinta xasilloonida magaalada.




