Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay la wareegeen jasiiradaha Hanish ee u dhow Geeska Afrika.
Eritrea iyo Yemen ayaa muddo isku hayay lahaanshaha jasiiradaha ku yaalla koonfurta Badda Cas.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AP, Xuutiyiintu waxay dib u riixeen ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudigu, waxayna la wareegeen gacan ku haynta aaggan muhiimka ah.
Jasiiradahan ayaa ku yaalla meel u dhow xadka u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti.
Xuutiyiinta oo la wareegay aagaggaas ayaa sidaas ugu soo dhowaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti, masaafo dhan 32 kiiloomitir.
Markii Eritrea ay xornimadeeda qaadatay, waxay dagaal la gashay Yemen oo ku saabsan lahaanshaha jasiiradahaas.




