Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Uganda, Mudane Shariif Al-Jammal, kaas oo dhawaan lasoo magacaabay.

‎Kulanka oo ahaa booqasho sharafeed uu Safiirka dalka Masar ku yimid xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo isku-xirka labada Safaaradood, gaar ahaan arrimaha danaha wadajirka u leh labada dal.

‎Danjire Fardowsa iyo Safiir Shariif Al-Jammal waxay sidoo kale isku afgarteen in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda kulamada iyo mowqifyada diblomaasiyadeed ee labada dal.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles