Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Hayโadda International Rescue Committee (IRC), ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo qorsheynta iyo xoojinta diyaargarowga fatahaadaha ka dhasha roobabka la xiriira El Niรฑo.
Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta qorsheyaasha diyaargarowga, iskaashiga hayโadaha iyo qaadista tallaabooyinka hore looga hortagayo khataraha fatahaadaha.
Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Hayโadda SoDMA iyo IRC, hayโadaha Qaramada Midoobay (UN), iyo ururrada maxalliga ah ee aan dowliga ahayn (Local NGOs), kuwaas oo si wadajir ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda, qorsheynta iyo u-diyaargarowga xaaladaha fatahaadaha ee la filayo.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaargarowga, ka-hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha, iyadoo la dhiirrigelinayo iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta dowladda, hayโadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.




