Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan la qaatay wefdi ka socday UNTMIS oo uu hoggaaminayay, Ku-simaha Madaxa Howlgalka UNTMIS Mudane Raisedon Zenenga waxaana sidoo kale ku weheliyay kulanka Madaxa Kooxda Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta Mudane Vikram Parekh.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka kala guurka UNTMIS iyo sii wadidda isku duwidda iyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Wasiiru-dowluhu ayaa sheegay ka go’naanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in kala guurka uu noqdo mid Soomaaliya hoggaaminayso oo Soomaali leedahay, iyo in taageerada caalamiga ah ay sii ahaato mid waafaqsan mudnaanta iyo waajibaadka Qaranka Soomaaliyeed.
Labada dhinac waxay isla qaateen in la sii wado isku duwidda iyo wada shaqaynta dhow, si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta hey’adaha dowladda.




