Taliyaha ciidanka XDS oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Kumaandoosta Danab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa tababar u soo xiray askar ka tirsan Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Danab (Danab Special Forces).

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka, oo ka dhacday Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Xerada Balli-doogle ee Mareykanka, AOB Commander BMA, Major Robert Zimmerman, iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dardaaran u jeediyay askartii loo soo xiray tababarka.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Danab oo ka qeyb qaata howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles