Soomaaliya oo ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta kaas oo ahaa mid heer Wasiirro ah, oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Kalfadhiga ayaa looga hadlay qadiyadda Falastiin, iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga iyo sidoo kale iskaashiga gobolka.

Dowladda Soomaaliyeed waxay sidoo kale ka qaybgashay Kulanka 11-aad ee Guddiga Wasiirrada Carabta ee tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil ka waddo Qudus-ta la haysto, iyadoo mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso shacabka Falastiin iyo sida ay uga go’an tahay Soomaaliya xoojinta tallaabooyinka iyo iskaashiga wadajirka ah ee dalalka Carabta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles