Natiijada Doorashada Hirshabeelle oo lagu Dhawaaqay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii arbacadii ka dhacday deegaannada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada oo si nabdoon ku dhacday laga codeeyay 10-degmo oo ka tirsan deegaannada Hirshabeele, waxaanna ka qeyb galay 13-Urur Siyaasadeed, 99-kursi ayaana lagu tartamay.

Dadweyne gaaraya boqol toban iyo afar kun lix boqol soddon iyo saddex ayaa ka qeyb galay doorashada, tirada saxda ah ee codeysayna waxay noqotay boqol labo iyo toban kun, afar boqol konton iyo Koow, waxaa halaabay tiro gaareysa labo kun, boqol sideeddan iyo labo.

Ururada siyaasadda iyo sida ay natiijada Golaha wakiillada Hirshabeelle u kala heleen.

1- Ururka Cadaallada iyo Midnimada Tiir, 759-cod, wuxuu helay hal kursi.

2- Ururka Madalsan 911-qof ayaa u codeysay wuxuuna helay hal kursi.

3 Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa u codeeyay 122-qof wuxuu helay hal kursi.

4-Ururka Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed 2,368-cod, wuxuuna helay labo kursi.

5- Ururka Cadaallada iyo Wadajir (JSP), 88,130-qof, wuxuu helay 78-kursi.

6- Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu helay 113-cod, wax kursi ah ma helin.

7- Ururka Iftiin Qaran waxaa u codeeyay 6,165-qof, wuxuu helay 5-kursi.

8- Ururka Karaama waxaa u codeeyay 6,875-qof wuxuu helay lix kursi.

8- Ururka Saab, waxaa u codeeyay 120-qof wax kursi ah ma helin.

9- Ururka Dan-shacab waxaa u codeeyay 51-qof wax kursi ah ma helin.

10-Ururka Sincad waxaa u codeeyay Saddex kun toddobo boqol iyo koow cod, wuxuu helay saddex kursi.

11- Ururka Dhallinyarada Talo-Qaran waxaa u codeeyay 97-qof, wax kursi ah ma helin.

12-Ururka Ramaas waxaa u codeeyay 1,939-qof, wuxuu helay labo kursi

Ugu dambeyn, 10-ka degmo ee ay ka dhaceen doorashooyinka isku sidkan ee Hirshabeelle waxay kala yihiin Raage Ceelle, Warsheekh, Cadale, Balcad, Jowhar, Mahadaay,Jalalaqsi Baladweyne, Geri-jir iyo Matabaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles