Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Serbia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, Mudane Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labo geesoodka ah ee labada waddan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Shirka heerka sare ah ee lagu xusayo 65-guurada Shirkii Koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles