Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, kadib martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi, si uu uga qeyb galo shir looga hadlayo amniga, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga wadajirka ah, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga, iyadoo laga wada hadli doono xaaladda guud ee gobolka Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Gacanka Carabta iyo Basin-ka Webiga Nile.
Afwerki iyo Al-Sisi ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka wada hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Booqashada Afwerki ee Masar ayaa ku soo aadeysa xilli xiisadaha iyo dagaallada Geeska Afrika ay si weyn u sii kordhayaan.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa dhowaan xiriirkooda diblomaasiyadeed jaray, kadib markii Itoobiya ay xirtay safaaraddeedii Asmara, halka Eritrea ay tallaabadaas kaga jawaabtay inay iyaduna xiriirka u jarto Itoobiya




