Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa saaka dib ula wareegay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib wada-hadal siyaasadeed oo la sheegay inuu heshiis ku dhex dhigay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa deegaanka Cumar Jilicow ayaa saaka magaalada soo galay, iyagoo wata hub iyo gaadiid dagaal. Ciidamada ayaa la dejiyey goob horay loogu sii qorsheeyey inay saldhig ka dhigtaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in shacabka magaalada Baladxaawo ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidamada, kaddib markii la sheegay in heshiiska siyaasadeed uu horseeday in maamulka Jubbaland dib loogu wareejiyo magaalada.
Dhanka kale, Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Mandheera ee dalka Kenya, halkaas oo diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya ay ka qaaday, kuna geysay magaalada Nairobi, halkaas oo la filayo inuu ku sugnaado maalmaha soo socda.
Isbeddelkan ayaa imanaya iyadoo magaalada Baladxaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo ay muddooyinkii dambe ka jireen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya dhinacyada ku loollamaya maamulka gobolka




