Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Danjiraha Aljeeriya u jooga Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamed Caliim.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa looga hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Danjiraha Aljeeriya ayaa sheegay in dowladda dalkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhaqaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada dowladood.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Ummadda ee Jamhuuriyadda Aljeeriya, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada, khibrad-is-weydaarsiga iyo wadaagista aqoonta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles