Monday, February 10, 2025

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay ururrada siyaasadda.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa maanta kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa is xog-waraysi iyo falanqayn ku aadan sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka heer degmo ayaa lagu kala qaatay warbixinno labada dhinacba ah,waxana Guddiga ayaa ururada siyaasada la wadaagay howlaha hortabinta u leh guddiga iyo  Kaalinta ururada siyaasadda doorashada qof iyo codka ah ee lagu wado in dalka ay ka hirgasho.

Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ururrada siyaasadda sharaxaad ka siiyay shaqooyinka ugu horeeya ee gudiggu qaban doono.isagoona ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan sidii dalka looga hirgalin lahaa doorasha qof iyo cad ah

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maalmahan kulmo ay la qaadanayay bulshada qeybaheeda kala duwan si loo dhageysto argtiyadooda la xariirta hannaanka doorashooyinka tooska ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles