Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Ururrada Siyaasadda.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda lagu saaray Jadwalka Doorashada Isku-sidkan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle iyo Doorashada Ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo dhammaystirka hawlaha muhiimka ah ee hirgelinta doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay diyaargarowga hawlaha farsamo ee Doorashooyinka sida qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, soo gudbinta liisaska murashaxiinta, wakiillada Ururrada Siyaasadda ee goobaha codbixinta, iyo sidii si wadajir ah loo ilaalin lahaa hufnaanta, daah-furnaanta iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada.

Gabagabadii, Guddiga iyo Ururrada Siyaasaddu waxay isku raaceen in doorashooyinka labada Dowlad-Goboleed lagu galo jadwalka uu Guddigu shaaciyey, isla markaana la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada, iyadoo si buuxda loogu dhaqmayo shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka, si loo xaqiijiyo doorasho xor, xalaal ah, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo

Kulanka waxaa ka soo qayb-galay Ururada Siyaasadeed ee kala ah: –

1. Dhaqaaqa soomaaliyeed

2. ⁠Qaran

3. ⁠Ramaas

4. ⁠Cadaaladda iyo Midnimada Tiir

5. ⁠Karaama

6. ⁠Sincad

7. ⁠Towfiiq

8. ⁠Muwaadaniinta Soomaaliyeed

9. ⁠Madalsan

10. ⁠Dimuqraadiga Soomaaliyeed

11. ⁠Dadka Soomaaliyeed

12. ⁠Cadaaladda iyo Wadajirka

13. ⁠Dhalinyarada Talo Qaran

14. ⁠Dan Shacab

15. ⁠Midnimada Shacabka

16.Qaransoor.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles