Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha u nugul fatahaadaha, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka biyaha Webiga Shabeelle iyo xaaladda goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray xoojinta diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa mas’uuliyiinta iyo bulshada Beledweyne ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo laguna xirayo meelaha uu wabigu ka jilicsan yahay, si looga hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la saadaalinayo saameynta Super El Niño, oo la filayo inay si weyn u saameyn karto deegaannada ku teedsan webiyada.




