Tuesday, May 13, 2025

Degmada Dayniile oo saaka laga bilaabay diiwaangelinta doorashooyinka.

Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilowday is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bilowga bisha June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmada Dayniile ayaa saaka subaxdii hore si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoo safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Qaar ka mid ah Shacabka degmada Dayniile oo aragtiidooda dhiibtay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaan oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hadda waxa si habsami leh uga socota diiwaangelinta doorashooyinka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles