Tuesday, May 13, 2025

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Taliyaha Taliska AFRICOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda howlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles