Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Casho Sharaf ku Maamusay Guddiga Doorashooyinka iyo Ururadda Siyaasadeed

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Xalay xarunta madaxtooyadda casho-sharaf ugu sameeyay Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, masuuliyiinta ururada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka dhacay Hirshabeelle, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee jowhar ku sugnaa maalintii doorashada iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiinta ururada siyaasada ee ka qeybgalay doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka dhacay Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay sida hufan ee nabada iyo xasiloonida leh ee ku dhacday doorashooda iyaga oo aqbalay natiijadii kasoo baxday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha.
Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa dadka iyo Dowladda Hirshabeelle ku ammaanay kaalintii wanaagsaneyd ee ka qaateen qabsoomida doorashadii dadweyne ee looga dareeray 10 degmo oo Hirhsbabeelle ka tirsan iyadoo kusoo dhammaatay si nabad ah sidoo kale waxa uu umahadceliyay ururada siyaasada ee aqbalay natiijadii lagu dhawaaqay ee kasoo baxday doorashooyinkii isku sidkanaa ee golayaasha deegaanka iyo mida golaha wakiilada Hirshabeelle.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in deegaanada Hirshabelle si nabad ah uga dhacday doorashada, Hay’addaha amniga waxaan ku ammaanayaa sida xilkasnimada leh ee u sugeen amniga dadweynaha ee safafka dheer u galay inay codkooda dhiibtaan.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa sidaa yiri.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles