Shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo looga hadlay amniga iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay qiimeeyeen dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay si qoto dheer uga hadleen gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad siyaasadeed iyo mid bulsho, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-qancin.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey in nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu yihiin tiirarka aasaaska u ah horumarka iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, iyadoo dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo bulshada iyo xoojinta dowladnimada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles