Sacuudiga oo war ka soo saaray xaaladda kabtanka iyo kaaliyihii diyaarada

Shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Tabuk ee Sacuudi Carabiya halka loo weeciyay diyaaradda ayaa hadda soo saartay bayaan.

Waxay sheegeen in kabtanka iyo kaaliyaha duuliyaha ee diyaaradda Flydubai ay dhaawacmeen, waxaana loo qaaday isbitaalka. Bayaanku ma sheegin waxa sababay dhaawacyada.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in xarunta laga hago isku socodka diyaaradaha ee garoonka ay 08:44 subaxnimo, waqtiga maxalliga ah, ka heshay diyaaradda Flydubai farriin degdeg ah, iyadoo diyaaraddu codsatay inay si degdeg ah u degto.

Diyaaraddu waxay si nabadgelyo ah ugu degtay garoonka qiyaastii hal saac kaddib, sida lagu sheegay bayaanka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles