Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiska Hay’adda ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Ururka Somali Diaspora Returnees Network (SDRN).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan saameynta la filayo ee Super El Niño, iyo sidii qurba-joogta Soomaaliyeed ay door weyn uga qaadan lahaayeen gurmadka iyo diyaar-garowga dalka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo iyo nololeed oo loogu talagalay dadka qurbaha laga soo celiyo, si gacan looga geysto yareynta shaqo la’aanta dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa bogaadiyey garab-istaagga qurba-joogta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan kaalintooda, isla markaana ay buuxiyaan kaalintii taageerada caalamiga ahayd ee hoos u dhacday, si loo xoojiyo gurmadka iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.




