Wasiirka Maaliyaadda Soomaaliya oo maanta Khuddbad ka jeediyay Shirka 8-aad ee Koonfur Kuuriya iyo Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 8-aad ee Koofur Kuuriya iyo Afrika, kaas oo sanadkan hal ku dhig looga dhigay “Ka Faa’iidaysiga Garaadka Macmalka ah iyada oo loo adeegsanayo Horumarinta Kaabeyaasha dhaqaalaha si loo Dardargeliyo Isbeddelka Afrika.” Ayna ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika ,Kana dhacay Magaalada Siyool (Seoul).

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in loo muhiim tahay in hamiga Afrika uusan ku koobnaan qaadashada tiknoolajiyadda AI, balse loo baahan yahay in la dhiso kaabeyaasha tamarta, fiber-optic, xogta iyo awood dhaqaale oo ku dhisan islaxisaabtan kobcinaya dhaqaalaha. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in Soomaaliya, oo dhacda goob istiraatiiji ah ay leedahay dhaqaale dijitaal ah oo kobcaya waxaana ay hada heysataa fursad ay ku noqon karto albaab dijitaal ah oo Afrika u furma, waxaana uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda Is-dhexgalka Gobolka, Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (HoAI) si loo gaaro heer kobcinaya dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika.

Madasha Kuuriya iyo Afrika Sanadkan waxa ay u dabaaldayaan tirsiga 20-guurada tan iyo markii la aasaasay 2006-dii . KOAFEC wuxuu noqday madal lagu kalsoon yahay oo lagu xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Kuuriya iyo Afrika, iyadoo la isu keenayi Dowladaha, Ganacsatada iyo Hay’adaha horumarinta dhaqaalaha si ay u isku dhaafsadaan fikrado, u dhisaan iskaashi iyo xiriir dhaqaale, una raadiyaan fursado wadaag ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles