Dowladda Kenya ayaa si ku meel gaar ah cafis ugu fidisay muwaadiniinta Bariga Afrika ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, kaddib markii boqolaal muwaadiniinta Burundi ah ay Isniintii ku qulquleen Safaaradda Burundi ee magaalada Nairobi, iyagoo raadinaya dukumentiyada safarka, kana cabsi qaba in dalka laga saaro kaddib tallaabooyin ka dhan ah ganacsatada ajaanibta ah.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa toddobaadkii hore amray in la xiro dhammaan ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin ama ay maamulaan ajaanibta laga bilaabo Isniinta shalay ahayd, kaddib markii uu la kulmay ganacsatada Kenya ee ka cabanayay wax-ka-beddellada canshuuraha.
Wasaaradda Ganacsiga Kenya ayaa markii dambe caddeysay in amarku khuseeyo ajaanibta ka ganacsada dalka ee aan heysan ruqsadaha shaqo ee looga baahan yahay.
Tallaabadan ayaa Isniintii ka dhalisay jahawareer bannaanka Safaaradda Burundi, iyadoo qaar ka mid ah reer Burundi ay sheegeen in deriskoodu ay u hanjabeen tan iyo markii Madaxweyne Ruto uu hadalkaas jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, Isniintii magaalada Nairobi laguma arag wax astaamo ah oo muujinaya hawlgal ganacsatadaas looga saarayo dalka.
Markii dambe, afhayeenka dowladda Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Kenya ay leedahay siyaasad aan loo dulqaadanayn nooc kasta oo tacaddi, hanjabaad ama takoorid ah oo ka dhan ah ajaanibta.
Dowladdu sidoo kale waxay ugu baaqday muwaadiniinta Bariga Afrika ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, gaar ahaan Burundi, inay si rasmi ah isaga diiwaangeliyaan safaaradahooda.




