Saturday, April 18, 2026

Xuutiyiinta Yemen oo si kulul uga hadlay tallaabada Israa’iil ee Hargeysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ee Yemen ayaa digniin adag ka soo saartay waxa ay ku tilmaantay faragelinta sii kordheysa ee Israa’iil ay ka waddo Soomaaliya, gaar ahaan tallaabada la xiriirta magacaabista safiir la sheegay in loo diray Hargeysa.

Bayaan rasmi ah oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Saba, oo fadhigeedu yahay magaalada Sanca, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay “xadgudub cad oo qaawan” oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland uu yahay “xarriiq cas” oo aan la aqbali karin, iyagoo ku eedeeyay Israa’iil inay damacsan tahay in ay gobolka u adeegsato saldhig laga fuliyo qorshayaal ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in dadaallada Israa’iil ee ku wajahan Somaliland aysan guuleysan doonin, isla markaana ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka, gaar ahaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta ayaa ka digtay in joogitaanka Israa’iil uu si toos ah u halis gelin karo amniga caalamiga ah, maraakiibta ganacsiga iyo isu socodka ganacsiga dunida, maadaama ay saameyn ku yeelan karto marinada istiraatiijiga ah ee caalamka.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay dhammaan dalalka ku teedsan Badda Cas iyo guud ahaan dalalka Carabta iyo Islaamka in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo waxa ay ku tilmaameen “qorshayaasha Sahaayiniga ah” ee ka socda Soomaaliya.

Maamulka Xuutiyiinta ee Yemen ayaa mar kale caddeeyay taageeradooda ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo adkeeyay in ay garab taagan yihiin midnimada, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo wiiqaya qaranimada dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles