Saturday, April 18, 2026

Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka oo xilka la wareegay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf iyo Agaasimihii hore Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Munaasibadda xilwareejinta ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo halbeegyada mudnaanta leh ee la-hirgelin doono mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ay ka mid tahay unugyada muhiimka ah ee sugidda amniga iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada Soohdimaha dalka iyo gundhigga adeegyada asaasiga ah ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan adeegyada baasaboorka iyo dukumiintiyada socdaalka oo ay hay’addu si weyn u ga baahi tirtay shacabka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles