Monday, February 10, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo taageertay Howlgalka Puntland ay kula Dagaalameyso Daacish.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in Dowladda ay taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay in lagu garab istaago Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku amaanay ciidanka Puntland sida geesinimada leh ay ula dagaalamayaan Kooxda Daacish, waxaana uu carabka ku dhuftay in gurmad walba oo ay Dowladda uga baahdaan ay diyaar ula yihiin.

โ€œDowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira Cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowgaโ€ ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay xiisadihii dhowaanahaan ka jiray degaanada Hirshabeelle, waxaana uu yiriโ€œ Waxaan bogaadinayaa dadaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Beledweyne, waxaana ilaahay mahadiis ah in dhammaan la isku raacay in la soo af jaro foowdadii oo la isla ogolaaday in sharcigu shaqeeyoโ€.

Arrimahaan Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacday Tiyaatartka Qaranka oo ay ka qeyb galayeen Haweenka Dowladda u shaqeeya, waxaana khudbadiisa ku sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda, dhawaana ay ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadiisa masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles