Wednesday, February 12, 2025

Shirweynaha Garsoorka dalka oo maanta Muqdisho ka furmay.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin oo k hadlay Shirweynaha Garsoorka Dalka ayaa sheegay in sanadkaan uu ajandaha shirku yahay sidii loo casriyeyn lahaa xeerarkii duugga ahaa ee hore loo adeegsan jiray si loola jaan qaado aaladaha cusub ee haatan la adeegsado.

Wasiirka Cadaaladda “Shirweynaha Garsoorka Dalka, sanadkaan waxa uu daarran yahay sidii loo casriyeyn lahaa xeerarkii duugga ahaa.”

Wasiirka ayaa sheegay in labadii sana ee lasoo dhaafay uu garsoorka dalku sameeyay horumar la taaban karo.

Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in wax ka baddal loo marayo hannaan casri ah ay ku samayn doonaan habka cadaaladda iyo garsoorka dalka.

“Wax ka baddal aan u mareyno hannaan Casri ah ayaan ku sameyn-doonaa habka cadaaladda iyo Garsoorka dalka”.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles