Wasiirka Wasaaradda Shaqada oo ka qeybgalay Madasha Siyaasadaha Xirfadaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa ka qaybgalay Madasha Siyaasadaha Xirfadaha Afrika (African Skills Policy Forum), oo ay ka qaybgaleen 28 wafdi rasmi ah oo ka kala socday dalalka Afrika

Madasha waxaa furay Wasiirka Tababarka iyo Waxbarashada Farsamada Gacanta ee dalka Algeria, Marwo Nassima Arhab, iyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka, Mudane Gaspard Banyankimbona.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha xirfadaha, tayeynta waxbarashada farsamada gacanta iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika, si loo kobciyo xirfadaha iyo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Qaaradda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles