Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay waxa ay ku tilmaantay faragelin joogto ah oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay wax u dhimayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka dalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay diiddan tahay heshiisyo amni ama xiriirro dibadeed oo lala sameeyo dhinacyo dalka ka jira, kuwaas oo hareer mara Dowladda Federaalka oo ah hay’adda keliya ee sharciyan u qaabilsan xiriirka dibadda ee dalka.
Dowladdu waxay Imaaraadka ugu baaqday in dhammaan xiriirkiisa Soomaaliya uu u maro Dowladda Federaalka, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay caddeysay in walaaceedu ku kooban yahay siyaasadaha dowladda Imaaraadka, balse uusan khuseyn xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka labada dal.
Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda dhuleed iyo wadajirka qaranka.





