Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray degaanka Girileey oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud oo shalay Xoogga Dalka ay kula dagaalameen Alshabaab .
Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo hoggaaminayo howlgalka kasoconayo bariga gobolka Gal-guduud.