Thursday, June 19, 2025

Tababar ay SEDO Somalia u qabatay beeralayda cirbiye.

Waxaa maanta Hay’adda SEDO Somalia ka fulisay tuulada cirbiye oo hoos tagta degmada Laasqoray mashruuc ku saabsan sidii beeralayda tayadooda kor loogu qaadi lahaa, waxaan tababar arrimahaas ku saabsan loo sameeyey beeraladayda deegaanka.

Tababarkan oo ay fulinayeen khuburo ka socotay hay’adda SEDO Somalia ayaa ku saabsanaa hab beerashada wanaagsan, sida loo maareeyo dallagyada, sida loola dagaalamo cayayaanka curyaamiya beeraha iyo sida loo dejiyo qorshaha mustaqbal ee waxsoosaar.

Sidoo kale waxay hay’addu dayactir ku sameysay dhawr ceel biyood oo ay beeralaydu u isticmaali jireen waraabka beeraha, waxayna u qeybisay beeraladayda deegaanka qalabka wax beerashada sida
badiilo, sakeelo, garweynayaal, kaariyoono iyo tuubooyinka biyaha qaada.

Hay’adda SEDO Somalia ayaa ka shaqeysa deegaanka iyo arrimaha bulshada gobolka Sanaag ayaa ka fulisay mashaariic kala duwan oo beddelay nolosha dadka ku dhaqan gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles