Monday, February 10, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku qaabilay Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan ayaa ka wada hadlay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee socda iyo doorka ciidanka AUSSOM ka qaadanayaan sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee saaxiibada Soomaaliya ay ku xoojinayaan awoodda Ciidanka XDS, waxaana la isla xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay amniga iyo bedqabka Soomaaliya iyo guud ahaan kan gobolka.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo wafdi la socday.

Wasiirka iyo ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa kawada hadlay horumarinta waxbarashada Soomaaliya, sidoo kale Wasiirka ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay marwalba la garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles