Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta, dardargelinta iyo sare u qaadida tababarada qeybkaha kala duwan ee Ciidamada iyadoo shirkaan warbixinno looga dhageystay saraakiisha amaanka oo ka warbixiyay amniga guud ee deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlgallada baaxada leh ee lagu baacsayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada dhaca jiinka wabiga ee hoos taga Degmada Buulo burde, isagoo qeybaha kala duwan ee Ciidanka qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka kula dardaarmay baabi’inta cadowga arxanka daran.
Madaxweynaha ayaa laamaha aminiga kula dar daarmay adkeynta aminiga Caasimadda, iyadoo shirka lagu soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan sidii loo xoojin lahaa amniga.