Monday, June 8, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, iyo taageerada dhismaha hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, iyagoo adkeeyay mowqifka ay wadaagaan ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha doorkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal si loo horumariyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles